Ajandahayga Siyaasadeed: Barnaamij Wax-ku-ool ah.

Haddii aan ku guuleysto xubin xildhibaan oo kamid ah Golaha Wakiillada Puntland, waxa aan qaban doonaa barnaamijkaan wax-ku-oolka ah (Barnaamijka oo dhammeystiran kala deg PDF-ka hoose).

Amniga Gaalkacyo

Degmada Gaalkacyo iyo dadkeedu waxa ay muddo la daalaa-dhacayeen colaado beelaysan oo kala dhexeeyay beelaha dariska ah; iyo dhanka kale oo argagixisadu ay ku bartilmaameedsan jireen haldoorkooda. Colaadahaasi waxa ay la hareen reer Gaalkacyo. Ajandahayga siyaasadeed ee degmada Gaalkacyo, waxa uu salka ku hayaa in aan guntiga u xirto, oo dedaal kasta aan ku bixiyo sidii aysan dib danbe u dhici lahayn dhiig sokeeye oo Gaalkacyo iyo gobolka oo dhan ku daata.

Metelaadda Deg/Gobolka

Waxa aan ku dedaalayaa in degmada iyo gobolka aan metelayo ay helaan xuquuqaha kala duwan iyo adeegbixinta dawladda ee xaqa loogu leeyahay golaha fulinta ee wasaaradaha iyo madaxtooyada. Waxa aan dadaal galinayaa in ay degmada iyo gobolkuba helaan xuquuqdoodii waxbarasho, caafimaad, amni, ganacsi, maamul, shaqaalaysiin, iyo kaabayaal dhaqaale.

Arrimaha Bulshada

Waxa aan dadaal kasta ku bixinayaa ka qayb qaadashada arrimaha bulshada. Waxa aan metelaadayda muujinayaa xilliyada abaaraha iyo xilliyada barwaaqada, xiliyada colaadaha iyo xilliyada nabadda, xilliyada xafladaha bulshada sida tartamada isboortiska, xuska ciidaha, iyo kuwa maalmaha qaranka

Hufnaan & Metelaad

Waxa aan si hoose indhaha ugu haynayaa maamulka heer gobol iyo heer degmo ee aan ku metelo Golaha Wakiillada Puntland, waxa aan soo dhicinayaa xaq kasta oo aan ku lahayn ka gobol ahaan dawladda PL, mida Soomaaliya, urrurada caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ahba. Waxa aan xildhibaannada golaha deegaanka ee degmooyinka ku dhiirri gelinayaa in ay la xisaabtamaan maamulka iyaga ka sarreeya, si loo helo maamul heerar kala duwan leh oo ay bulshadu ku kalsoonaan karto.

Qoondada Siyaasadeed

Gobolka Mudug waa gobolka 3aad ee ugu wayn 18-ka gobol ee Soomaaliyadii hore, waxa aan aaminsanahay in uu u qalmo degmooyin ka badan inta uu haysto. Kororka degmooyinku waxa uu kordhiyaa maqaamka gobolka iyo qoondada siyaasadeed ee uu helayo, sidaas awgeed waxa aan ku dadaalayaa in aan meel mariyo sharciyadda kordhinta degmooyinka gobolka Mudug – sida uu ii ogol yahay dastuurka dawladda Puntland qodobka 48aad, xubinta 2aad, farqaddisa B.

Dhanka Dhaqaalaha

Gobolka Mudug waxa uu nasiib u yeeshay in uu helo kaabayaal dhaqaale oo isugu jira deked qallalan (Turdibi) ideked badeed (Garacad), iyo kastanka koonfureed, kuwaas oo furay suuq ballaaran oo keeni kara dhaqaale xooggan oo ay dadka iyo dalkuba ka faa’iidaysan karaan. Aniga oo ka faa’idaysanaya awooddayda xildhibaannimo ee dastuuriga ah, middayda u dhalashada Gobolka Mudug, iyo xirfadahayga kale ee shakhsiga ah – waxa aan ku dadaalayaa in dadkayga iyo dalkaygaba aan uga faaiideeyo fursadaha dhaqaale ee ku jira suuqan.

Aqalka Isimada

Markii aan arkay kaalinta buuxda ee ay isimadu ku lahaayeen aasaaska Puntland, markii aan arkay saamaynta ay ku leeyihiin siyaasadda PL xilliyada adag, markii aan eegay dhaqanka Soomaalida, ee waliba kusii wayn reer PL, Waxaa iisoo baxday aragti oranaysa; in hab u socodka dawladeed ee PL, iyo qaab dhismeedka beeleysan ee bulshada ku dhaqan dawladda PL, ayna ka maarmayn isla falgal siyaasadeed oo sharciyeysan. Waxaa iisoo baxday aragti qeexaysa in ay lagama maarmaan tahay in golaha sharci dajinta PL uu ku biiro aqal sare oo gole u ah isimada PL.

Dhaqangalinta shuruucda

Puntland waxaa u dhamaystiran shuruucdii loogu talagalay in ay dawladi yeelato, sidoo kale waxaa dhisan hay’adihii meel marin lahaa shuruucdaas, balse waxaa maqan fulinta sharciga, iyada oo sharciga ay ka awood badan yihiin shakhsiyaad gaar ah. Waxa aan ku dadaalayaa oo aan u tafo-xaydanayaa in sharcigu noqdo mid shaqeeya, oo qof walba, maqaam kasta ha joogee, uu noqdo mid sharci lagu fulin karo. Waxaan meesha ka saarayaa dhaqanka gurracan ee ah in dadka tabarta yar oo keliya sharcigu qabto, kuwa tunka waynina ay lama taabtaan yihiin

Midnimada Puntland

Puntland waxaa maanta ka taagan tafaraaruq bulsho, kaas oo beelaha PL wada dhistay qaarkood go’een, qaarkoodna ay hadda wadada ugu jiraan in ay maamulo gaar ah samaystaan. Waxaa taas kalifaya qanaacad la’aanta ay bulshadaasi ku qabto nidaamka maamul ee PL kajira, in dhagaha laga furaystay oo doodii ay baahiyahooda kusoo bandhigi lahaayeen laga dhagaysan waayay, iyo in koox gaar ah ay sidii ay doonto u maamulato dawladda PL.

Barnaamijka oo dhammeystiran kala deg PDF-ka hoose;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *