Ajandahayga Siyaasadeed
Haddii aan ku guuleysto xubin xildhibaan oo kamid ah Golaha Wakiillada Puntland, waxa aan qaban doonaa barnaamijkaan wax-ku-oolka ah, isaga oo koo kooban hoos ka akhriso (Ajandaha oo dhammeystiran si aad ula degto riix linkigaan – Ajandahayga Siyaasadeed).
Amniga Gaalkacyo
Degmada Gaalkacyo iyo dadkeedu waxa ay muddo la daalaa-dhacayeen colaado
beelaysan oo kala dhexeeyay beelaha dariska ah; iyo dhanka kale oo argagixisadu ay ku bartilmaameedsan jireen haldoorkooda. Colaadahaasi waxa ay la hareen reer Gaalkacyo. Ajandahayga siyaasadeed ee degmada Gaalkacyo, waxa uu salka ku hayaa in aan guntiga u
xirto, oo dedaal kasta aan ku bixiyo sidii aysan dib danbe u dhici lahayn dhiig sokeeye oo Gaalkacyo iyo gobolka oo dhan ku daata.
Metelaadda Deg/Gobolka
Waxa aan ku dedaalayaa in degmada iyo gobolka aan metelayo ay helaan xuquuqaha kala duwan iyo adeegbixinta dawladda ee xaqa loogu leeyahay golaha fulinta ee wasaaradaha iyo madaxtooyada. Waxa aan dadaal galinayaa in ay degmada iyo gobolkuba helaan xuquuqdoodii waxbarasho, caafimaad, amni, ganacsi, maamul, shaqaalaysiin, iyo kaabayaal dhaqaale.
Arrimaha Bulshada
Waxa aan dadaal kasta ku bixinayaa ka qayb qaadashada arrimaha bulshada. Waxa aan metelaadayda muujinayaa xilliyada abaaraha iyo xilliyada barwaaqada, xiliyada colaadaha iyo xilliyada nabadda, xilliyada xafladaha bulshada sida tartamada isboortiska, xuska ciidaha, iyo kuwa maalmaha qaranka
Hufnaan & Metelaad
Waxa aan si hoose indhaha ugu haynayaa maamulka heer gobol iyo heer degmo ee aan ku metelo Golaha Wakiillada Puntland, waxa aan soo dhicinayaa xaq kasta oo aan ku lahayn ka gobol ahaan dawladda PL, mida Soomaaliya, urrurada caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ahba. Waxa aan xildhibaannada golaha deegaanka ee degmooyinka ku dhiirri gelinayaa in ay la xisaabtamaan maamulka iyaga ka sarreeya, si loo helo maamul heerar kala duwan leh oo ay bulshadu ku kalsoonaan karto.
Qoondada Siyaasadeed
Gobolka Mudug waa gobolka 3aad ee ugu wayn 18-ka gobol ee Soomaaliyadii hore, waxa aan aaminsanahay in uu u qalmo degmooyin ka badan inta uu haysto. Kororka degmooyinku waxa uu kordhiyaa maqaamka gobolka iyo qoondada siyaasadeed ee uu helayo, sidaas awgeed waxa aan ku dadaalayaa in aan meel mariyo sharciyadda kordhinta degmooyinka gobolka Mudug - sida uu ii ogol yahay dastuurka dawladda Puntland qodobka 48aad, xubinta 2aad, farqaddisa B.
Dhanka Dhaqaalaha
Gobolka Mudug waxa uu nasiib u yeeshay in uu helo kaabayaal dhaqaale oo isugu jira deked qallalan (Turdibi) ideked badeed (Garacad), iyo kastanka koonfureed, kuwaas oo furay suuq ballaaran oo keeni kara dhaqaale xooggan oo ay dadka iyo dalkuba ka faa'iidaysan karaan. Aniga oo ka faa'idaysanaya awooddayda xildhibaannimo ee dastuuriga ah, middayda u dhalashada Gobolka Mudug, iyo xirfadahayga kale ee shakhsiga ah - waxa aan ku dadaalayaa in dadkayga iyo dalkaygaba aan uga faaiideeyo fursadaha dhaqaale ee ku jira suuqan.
Aqalka Isimada
Markii aan arkay kaalinta buuxda ee ay isimadu ku lahaayeen aasaaska Puntland, markii aan arkay saamaynta ay ku leeyihiin siyaasadda PL xilliyada adag, markii aan eegay dhaqanka Soomaalida, ee waliba kusii wayn reer PL, Waxaa iisoo baxday aragti oranaysa; in hab u socodka dawladeed ee PL, iyo qaab dhismeedka beeleysan ee bulshada ku dhaqan dawladda PL, ayna ka maarmayn isla falgal siyaasadeed oo sharciyeysan. Waxaa iisoo baxday aragti qeexaysa in ay lagama maarmaan tahay in golaha sharci dajinta PL uu ku biiro aqal sare oo gole u ah isimada PL.
Dhaqangalinta shuruucda
Puntland waxaa u dhamaystiran shuruucdii loogu talagalay in ay dawladi yeelato, sidoo kale waxaa dhisan hay'adihii meel marin lahaa shuruucdaas, balse waxaa maqan fulinta sharciga, iyada oo sharciga ay ka awood badan yihiin shakhsiyaad gaar ah. Waxa aan ku dadaalayaa oo aan u tafo-xaydanayaa in sharcigu noqdo mid shaqeeya, oo qof walba, maqaam kasta ha joogee, uu noqdo mid sharci lagu fulin karo. Waxaan meesha ka saarayaa dhaqanka gurracan ee ah in dadka tabarta yar oo keliya sharcigu qabto, kuwa tunka waynina ay lama taabtaan yihiin
Midnimada Puntland
Puntland waxaa maanta ka taagan tafaraaruq bulsho, kaas oo beelaha PL wada dhistay qaarkood go'een, qaarkoodna ay hadda wadada ugu jiraan in ay maamulo gaar ah samaystaan. Waxaa taas kalifaya qanaacad la'aanta ay bulshadaasi ku qabto nidaamka maamul ee PL kajira, in dhagaha laga furaystay oo doodii ay baahiyahooda kusoo bandhigi lahaayeen laga dhagaysan waayay, iyo in koox gaar ah ay sidii ay doonto u maamulato dawladda PL.
Sawirradii U Danbeeyay
![Home 4 IMG_9283](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9283-scaled.jpg)
![Home 5 IMG_9284](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9284-scaled.jpg)
![Home 6 IMG_9285](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9285-scaled.jpg)
![Home 7 IMG_9286](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9286-scaled.jpg)
![Home 8 IMG_9287](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9287-scaled.jpg)
![Home 9 IMG_9289](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9289-scaled.jpg)
![Home 10 IMG_9291](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9291-scaled.jpg)
![Home 11 IMG_9292](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9292-scaled.jpg)
![Home 12 IMG_9297](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9297-scaled.jpg)
![Home 13 IMG_9298](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9298-scaled.jpg)
![Home 14 IMG_9299](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9299-scaled.jpg)
![Home 15 IMG_9301](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9301-scaled.jpg)
![Home 16 IMG_9302](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9302-scaled.jpg)
![Home 17 IMG_9303](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9303-scaled.jpg)
![Home 18 IMG_9304](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9304-scaled.jpg)
![Home 19 IMG_9305](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9305-scaled.jpg)
![Home 20 IMG_9306](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9306-scaled.jpg)
![Home 21 IMG_9307](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9307-scaled.jpg)
![Home 22 IMG_9310](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9310-scaled.jpg)
![Home 23 IMG_9316](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9316-scaled.jpg)
![Home 24 IMG_9320](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9320-scaled.jpg)
![Home 25 IMG_9322](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9322-scaled.jpg)
![Home 26 IMG_9323](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9323-scaled.jpg)
![Home 27 IMG_9326](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9326-scaled.jpg)
![Home 28 IMG_9328](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9328-scaled.jpg)
![Home 29 IMG_9330](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9330-scaled.jpg)
![Home 30 IMG_9331](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9331-scaled.jpg)
![Home 31 IMG_9335](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9335-scaled.jpg)
![Home 32 IMG_9336](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9336-scaled.jpg)
![Home 33 IMG_9338](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9338-scaled.jpg)
![Home 34 IMG_9339](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9339-scaled.jpg)
![Home 35 IMG_9340](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9340-scaled.jpg)
![Home 36 IMG_9342](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9342-scaled.jpg)
![Home 37 IMG_9345](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9345-scaled.jpg)
![Home 38 IMG_9346](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9346-scaled.jpg)
![Home 39 IMG_9349](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9349-scaled.jpg)
![Home 40 IMG_9354](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9354-scaled.jpg)
![Home 41 IMG_9358](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9358-scaled.jpg)
![Home 42 IMG_9361](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9361-scaled.jpg)
![Home 43 IMG_9363](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9363-scaled.jpg)
![Home 44 IMG_9364](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/IMG_9364-scaled.jpg)
Qoraalladii U Danbeeyay
Halkaan waxa aad ka daalacan kartaa qoraalladii u danbeeyay.
![Xal u helidda AANADA Gaalkacyo! 1 White And Teal Modern Motivational Quotes Instagram Post](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/White-And-Teal-Modern-Motivational-Quotes-Instagram-Post-768x768.png)
Xal u helidda AANADA Gaalkacyo!
Degmada Gaalkacyo iyo dadkeedu waxa ay muddo la daalaa-dhacayeen colaado beelaysan oo kala dhexeeyay beelaha dariska ah; iyo dhanka kale oo argagixisadu ay ku bartilmaameedsan…
![Dhismaha Aqalka Isimada: Marjac siyaasadeed oo sharciyaysan. 2 Blue Minimalist Social Media Financial Quote Instagram Post](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/Blue-Minimalist-Social-Media-Financial-Quote-Instagram-Post-768x768.png)
Dhismaha Aqalka Isimada: Marjac siyaasadeed oo sharciyaysan.
Sideedaba dawladi waxa ay u dhisan tahay oo loo samaystaa in ay ka shaqayso danaha shacabkeeda, lagu helo cadaalad iyo sinnaan, ay noqoto meel qof…
![Puntland oo Dal ah! 3 Blue Gray Modern Business Quotes Instagram Post](https://siciidcodey.com/wp-content/uploads/2023/09/Blue-Gray-Modern-Business-Quotes-Instagram-Post-768x768.png)
Puntland oo Dal ah!
Puntland, dhulkeeda, iyo dadkeedaba, ku dhawaad 145 sano, oo kasoo bilaabmaysa 188…-maadkii, ilaa maanta oo la marayo 2024, waxa ay mar walba u taagnayd u…