Igu Saabsan

Kuma Ayaan Ahay?

Hal'abuure Ganacsi

Waxaan hal'abuuray ganacsiyo badan oo intooda badan ay guuleysteen.

Shaqaale Dawladeed

Waxaan ka soo shaqeeyay boosas dawladeed.

U Dhaqdhaqaaqe Bulsho

Waxaan muddo u qareemayay qaddiyadaha masiiriga ah ee bulshada.

Siciid Sadiiq Cabdullaahi (Siciid Codey)

CMO & Co-Founder Of Isbaahi, Head Of ICT in MOCII 

Marka aan soo koobo waxa aan ahay Madaxa Suuqgeynta ahna La’aasaasaha shirkadda Isbaahi Digital Agency, sidoo kale waxa aan ahay Madaxa ICT-ga Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga DPL. 

Waxaan soo aasaasay ganacsiyo dhowr ah oo intooda badan ay guuleysteen ilaa haddana shaqeeyaan, sidoo kale waxa aan ahay u dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada (social activist), kaas oo u qareema qaddiyadaha masiiriga ah ee sida tooska ah bulshada u saameeya.

Waxaan hadda u taagnahay in aan bulshadayda ugu shaqeeyo, boos aan ku meteli karo oo aan si dhab ah ugu qareemi karo. Arrintaas ayaa igu dhalisay in aan isu taago xubinnimada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, si aan u dhaqangaliyo barnaamij wax-ku-ool ah, aniga oo ka faa’idaysanaya tamartayda dhaladka ah, aqoontayda & khibraddayda, iyo talooyinka waxgaradka Soomaaliyeed.

Untitled design 2023 09 17T130354.010 removebg preview
Untitled design 2023 09 16T183413.557 removebg preview

Kacdoon Dhallinyaro

Waxaa la gaaray xilligii aan talada dalka qayb ka noqon lahayn, haddii aan xubin xildhibaan ku guuleysto, kaligay ma guuleysan ee waxaa wada guuleystay dhallinyarada reer Puntland oo dhan. 

Qoraalladii U Danbeeyay

Halkaan waxa aad ka daalacan kartaa qoraalladii u danbeeyay.

White And Teal Modern Motivational Quotes Instagram Post

Xal u helidda AANADA Gaalkacyo!

Degmada Gaalkacyo iyo dadkeedu waxa ay muddo la daalaa-dhacayeen colaado beelaysan oo kala dhexeeyay beelaha dariska ah; iyo dhanka kale oo argagixisadu ay ku bartilmaameedsan…

Blue Gray Modern Business Quotes Instagram Post

Puntland oo Dal ah!

Puntland, dhulkeeda, iyo dadkeedaba, ku dhawaad 145 sano, oo kasoo bilaabmaysa 188…-maadkii, ilaa maanta oo la marayo 2024, waxa ay mar walba u taagnayd u…