Dhismaha Aqalka Isimada: Marjac siyaasadeed oo sharciyaysan.

FN8BlBhVQAUqRXu

Sideedaba dawladi waxa ay u dhisan tahay oo loo samaystaa in ay ka shaqayso danaha shacabkeeda, lagu helo cadaalad iyo sinnaan, ay noqoto meel qof walbaa uu afkaartiisa iyo malihiisa kusoo bandhigo, bulshaduna ay kala doorato waxa ugu fiican ee lagu wada joogi karo, laguna hogaamin karo.

Maadaama ay dawladi tahay wax ay bulsho ku wada heshiisay, dawladaasi waxa ay qorataa dastuur iyo shuruuc ku haboon bulshada wada yagleelatay nidaamkaas. Dastuurkaasi waxa uu noqdaa mid lagu cabiro oo lagu tolo bulshada nidaamkaas wada yeelanaysa. Waxaa sal looga dhigaa taariikhdooda, qaab dhismeedka bulshadooda, diintooda, dhaqankooda, luuqadooda, waxyaalaha ay ka midaysan yihiin, iyo sidoo kale waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin.

Sidaas awgeed, maadaama ay dadka caalamka oo dhami yihiin hal bulsho oo isirkii Nabi Aadam kasoo askumay ah, ee uuna jirin makhluuq kale oo banaanka uga yimid, nidaamka ay isku maamulaan inta badan waa isku mid. Isku mid ahaanshahaas waxaa keenaya dunida oo isku furan dhinac walba , ilaa ay ku dhowdahay in ay hal noqoto (Globalization). Balse, dunidu waa kala dastuur duwan tahay. Dawladaha dunidu waxa ay ku kala duwan yihiin qaab dhismeedka maamulka, baratakoolka, shuruucda, nidaamka cadaaladda, doorashooyinka, iwm. Kala duwanaanshahaas waxaa keenaya waa in bulshada caalamku ayna isku duruuf ahayn, isku taariikh ahayn, isku qaab dhismeed bulsho ahayn, isku diin ahayn, isku dhaqanna ayna ahayn.

Haddaba hadii aynu intaas isla fahamnay, waa in aynu fahamno in dastuur ay bulsho samaysatay aan lagu maamuli karin bulsho kale oo ka duwan iyaga. Taasi waxa ay noqonaysaa sida adiga oo raba in aad isku xirtid fur iyo caag aan is lahayn.

Dadka reer PL waxaa u dhisan dawlad lamid ah mida caalamka, waxaa u qoran dastuur lamid ah kuwa caalamka. Dastuurkaasi maleh wax cilad ah oo wayn, waxa uu waafaqayaa diintayada, waxa uu inoo ogolaanayaa in aan la jaan-qaadi karno oo aan la macaamili karno bulshada caalamka, balse ma waafaqsana hab dhismeedka bulshadayada.

Maxaan ula jeedaa?

Dadka reer PL waa bulsho taariikh fac wayn leh, taariikhdaasi waxa ay meel walba inagu tusaysaa in dadkaani waxa ugu wayn ee diintooda u labeeyay uu ahaa isirkooda iyo qabiilkooda. Waxa uu u yahay wax muqaddas ah oo ayna cidina ka talaabi karin, waa ay isku jecel yihiin, waa ay ku kala nabad galaan, waa ay isku guursadaan, waa ay isku dagaalaan, waa ay ku heshiiyaan, waxbay ku wada dhistaan, waa ayna ku faanaan.

Awooda uu qabiilku ku dhex leeyahay bulshadaan meel fogba hadaynaan ka raadin, waxaa si toos ah kuugu cadaynaya aasaaskii PL 1998. Iyada oo hogaamiyayaashii Jabhaduhu garan la’yihiin halka ay ka bilaabi lahaayeen isu keenka bulshadaan iyo sidii dawlad loogu dhisi lahaa, ayaa ay fahmeen in waxa ugu wayn ee ay isticmaali karaan ay yihiin isimada qabiilka iyo odayaasha, waayo Soomaalidu, siiba reer PL, nidaam kasta ama dawli ha ahaado ama xarakaad diimeed, waxa ay uga kalsooni badan yihiin isimada qabiilkooda. Aasaaskii PL tiirarkii ugu waynaa ee taagay waxa ay ahaayeen isimada beelaha dhulkaan deggan.

Isimadu waa ay ka maamul horeeyeen diinta Islaamka, oo iyada oo ayna Soomaalida soo gaarin diinta Islaamka ayay isimadu xeerar iyo qawaaniin lahaayeen oo ay dadkooda ku maamulayeen.

Isimadu waa ay ka horeeyeen nidaamka casriga ah ee dawladnimada, waxa ayna maamulayeen dadkooda iyada oo aan wali la xardhin nidaamyada ay caalamku isku maamulaan.

Haddaba, maadaama aynu si waadax ah u aragno in hab dhismeedka bulshada reer PL uu u samaysan yihiin qaab beeleed oo dhaqanka iyo isimadu ay kaalin wayn ku leeyihiin maamulka iyo hogaanka bulshada, waa in aynu is waafajino oo ay isla fal galaan nidaamka casriga ah ee caalamiga ah, iyo hab dhismeedka bulshadayada, si loo helo is maamul wada qaabili kara hab dhismeedka bulshada, isla markaasna aan ka tagayn u ekaansha caalamka.

Waa halkaan halka ay iiga curatay fikradda ah in la helo aqal sare oo ay isimada beeluhu ka arimiyaan oo ay doorkooda hogaan iyo siyaasadeed ay ka qaataan.

Fikirkaani waa aragti igasoo maaxatay markii aan qiimeeyay taariikhda dadka reer PL, sida ay dawladda aynu hadda hoos joogno ay ku aasaasantay, sida nidaamka cadaaladda ay xeerarka qabiilku wali kaalin wayn uga qaataan (Magta), sida ay siyaasadda ugu leeyihiin saamaynta xooggan, sida ay marjac u noqdaan xilliyada khilaafaadka iyo colaadaha, xushmadda loo hayo, iyo kalsoonida lagu qabo. Isimada dhaqanku waa wax wayn oo wayn, markii loo eego indhaha shacabka, siyaasiyiinta, iyo culumada intaba.

Haddaba, su’aasha aan is waydiiyay waxaa weeyaan; “Waa maxay sababta waxaan wayn oo wayn, ayna ugu mid ahayn nidaamkayaga dawliga iyo geeddi socodka dawladdayada?” Markii aan ra’yi aruurin badan sameeyay, Jawaabo badan oo kala duwan ayaa iiga soo baxay su’aashaan, jawaabahaas ayaana shidaal usii noqday fikirka qeexaya in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso aqal dhaqan oo sharciyaysan, isimaduna yihiin kuwo fariista aqalkaas.

Aqalka isimadu waxa uu fududaynayaa shaqooyin aan la’aantood socon karin oo ay ugu wayn tahay hub ka dhigista beelaha.

Beelaha hubaysani waxa ay dhaawac dawladnimo iyo khatar amni ku yihiin dawladnimada iyo jiritaankayaga. Puntland, waxaa ka jira beelo iyo shakhsiyaad ka hub badan isla maamulka, waa awoodo ka ag dhisan dawladda, colaadaha ay huriyaanna waa kuwo aynu saamayntooda marar badan aragnay.

Sababta ay beelahaani hubka u haystaan waa cabsi iyo kalsooni yari ka jirta dhinaca maamulka, waayo, beel walbaa waxa ay cabsi ka qabtaa in uu kursiga dalka u sarreeya ku fariisto qof iyaga jiritaankooda iyo dhiigooda u socda, taas ayaana keenaysa in beel walbaa ay is hubayso si ay u hesho fursad ay isku difaaci karto hadii ay ku timaado khatar banaanka uga timid, iyo mid gudaha uga imaata intaba.

Sidoo kale, waxaa jira beelo deggan meelo furimo ah oo ay ka ag dhawyihiin beelo ka baxsan maamulka PL, beelahaasi waxa ay si joogto ah, miyi iyo magaalaba, ula kulmaan weeraro beeleysan, maadaama ayna jirin dawlad xooggan oo ku filan in ay xuduudaheeda oo dhan ilaaliso oo ay shacabkeeda difaacdana, beelahaasi iyaga ayaa is difaaca, iyaga oo sita shaatiga qabiilka.

Arimahaan iyo kuwa kale oo badanba waxa ay keenaan in PL 25 sano oo dawladnimo ah kadib, ay wali dadkeedu hubaysan yihiin. Haddaba, aqalka Isimadu waxa uu fududeynayaan hub ka dhigista beelaha.

Sidee?

Isimada sharciyeysan ee beel walba u fadhiya aqalka, waxa ay maamulka hubka iyo isticmaalkiisa ku yeelanayaan doorka ugu wayn. Waxa ay go’aaminayaan isticmaalka hubka, xiliga la isticmaalyo, cida loo isticmaalayo, iyo cida isticmaalaysa intaba. In isimada gacanta loo geliyo maamulka hubka waxa ay fududeynaysaa in beeluhu ay helaan kalsooni ah in qof shakhsi ah oo xasaanad lehi uu xiliguu doono soo weerari karin isaga/iyada oo dano shakhsi ama isir ahaaneed ku beegsanaya. Markii ay beeluhu helaan kalsoonidaas, waxa ay isimadu u dhaqaaqayaan in ay hub ka dhigis ku sameeyaan beelaha ay ku metelaan aqalkaas, kadibna waxa ay ku wareejiyaan hay’ad cusub oo loo aasaasayo haynta iyo keydinta hubka, taas oo si toos ah u hoos tagta aqalka isimada, iyo hay’adaha kale oo markaas dastuurku u ogolaanayo in ay la yeeshaan maamulka hubka iyo isticmaalkiisa.

Sidoo kale, isimadu waxa ay gorfeenayaan habka ugu fiican ee beelaha furimaha deggan iyo hub ka dhigistu isku waafaqi karaan, wixii xal ah oo usoo baxa markaas ayaana lagu dhaqaaqayaa.

Aqalka isimadu waxa uu kala saarayaa oo uu dhex-dhexaadinayaa siyaasiyiinta kala aragtiyaha duwan ee mar walba sabab u noqda qalalaase siyaasadeed. Tani maaha mid cusub oo mar walba isimadu iyaga ayaa shaqadaas qaban jiray, keliya markaan waxay uga duwan yihiin uun in ay sharciyaysan yihiin oo dastuurku u ogolaanayo, sharciyaduna waafaqayaan.

Mushkiladahaan iyo kuwo kale oo badan ayaa uu aqalka isimadu xal u keenayaa. Mustaqbalka dambe waa uu inaga anfacayaa, oo xaalado mustaqbaleed oo soo socda oo ay ugu waawayn yihiin qaybsashada khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka ay beelo kala duwani wada degaan, oo aan qiyaasayo in ay tahay khatar wayn oo inasoo waajihi karta, ayaa uu xal iyo qaybiye u noqonayaa.

Isku soo wada duub oo, si guud, aqalka isimadu waxa uu isku dheelitirayaa awooda shacabka iyo dawladda, waana aalad la isticmaali karo xilli kasta, iyo xaalad kasta.

Ka Musharrax ahaan, hadii aan xilka aan doonayo aan ku guulaysto, waxa ugu wayn ee aan ku dadaalayo waa dhismaha aqal isimo oo sharciyeysan, kaas oo horay u socodkayaga dawladnimo kaalin wayn ka qaadanaya. Waxa aan horgayn doona golaha sharci dejinta, fulinta, iyo shacabka intaba. Waxa aan ku dadaali doonaa in la gorfeeyo, oo waxa taban ee ka imaan kara si fiican loo daraaseeyo.

Ugu dambayn, waxa aan ku dadaali doonaa in aan helno aqal ka maqaam iyo micno wayn midka aan u tartamayo ee golaha baarlamaanka PL, oo 25 sano shaqadii looga baahnaa aan qaban, siday doontaba haku dhacdee. Wabillaahi towfiiq.

WBT. Mahadsanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *