Puntland oo Dal ah!

istockphoto 1188960003 612x612 2

Puntland, dhulkeeda, iyo dadkeedaba, ku dhawaad 145 sano, oo kasoo bilaabmaysa 188…-maadkii, ilaa maanta oo la marayo 2024, waxa ay mar walba u taagnayd u dagaalanka iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed. Mar waxa ay dadka reer PL Soomaalinimada ku difaacayeen beel ahaan, mar jabhad ahaan, mar culumo ahaan, marna siyaasad ahaan.

Haddaba, maadaama ay taariikhdu si kasta inoo tusayso in dadkaani yihiin bulsho mar walba ka shaqaynaysa gobonimada Soomaaliyeed, ee saqiir iyo kabiir, siyaasi iyo wadaad, rag iyo dumar, isin iyo sarkaal, maalqabeen iyo faqiir, qurbe joog iyo dal joog, ay si isku mid ah ugu adeegeen danta Soomaaliyeed, maxay iyagu ka faaiideen?

In qofku uu danihiisa ka fekero wax ceeb ah maaha. Waa wax khasab ah in qof walbaaba uu aado halka dantiisu ku jirto. Aniga oo u fekeraya hab ku qotoma Puntlander-nimo iyo dantayada, markii aan si kasta u rogrogay, faa’iidada iyo khasaaraha inaga soo galay raadinta maamul Soomaaliyeed, waxaa badan khasaaraha, hoos ayaana ku cadaynayaa sababta aan sidaas u leeyahay.

1) Xoreyntii iyo dawlad dhiskii Soomaaliyeed.

Waxa aynu qabanay:

Daraawiish, oo ahaa askar ku abtirsata dadka reer PL, kana dhex dagaalamayay dhulka PL, ayaa ahaa cidii ugu horreysay ee la dagaalamay gumaystihii. Dhanka kale, SYL, oo aan ay aasaaseen, isla markaasna ay u badnaayeen dhalinyaro PL kasoo jeeda, ayaa ahaa cidii qalinka ugu dagaalantay, ugu dambayntiina ku xoreysay Soomaaliya. Markii gumaystuhu baxay, SYL waxay Madaxwayne usoo sharaxday Madaxwayne Aden Cabdulle, Raysal Wasaarena ka dhigtay Cabdirashiid Ali Sharmaake. 7 sano gudahoodna waxa ay Soomaaliya u kaxeeyeen jiho loo aayay oo mustaqbalka dalka iyo dadkaba faaiido wayn u lahayd. 1967, markii Madaxwayne Cabdirashiid la doortayna waxaa la qaaday tilaabooyin waawayn oo Afrika oo dhan hormuud inooga dhigtay.

Waxa inooga soo noqday:

Taariikhda, madaxwaynihii ugu horreeyay ee la dilo isaga oo xil haya waxa uu kasoo jeeday PL. Taariikhda, cidii la inqilaabay oo xukun laga faro-maroojiyay waxa uu ahaa madaxwayne PL kasoo jeeda oo ku abtirsada. 7 sano oo uu xukunka hayay alle ha u naxariistee Madaxwayne Aden Cabdulle Cismaan, ma jirin cid ku handaday xukunka, dishay, xirtay, ama inqilaabtay. Halka alle ha u naxariistee Madaxwayne Cabdirashii Cali Sharmaake la dilay oo la inqilaabay.

2) La dagaalankii dawladda kacaanka iyo keligii taliska.

Waxa aynu qabanay:

Iyada oo Soomaali si walba loo gumeeyay, la aflagaadeeyay diintooda oo culumadii la xasuuqay, la aflagaadeeyay dhaqankooda oo shuuciyad loo keenay, la banaystay dhiigooda oo xasuuq lagu hayo, cidii ugu horreysay ee ku dhiiratay in ay gobonimada dalka, dadka, iyo diinta soo celiyaan waxay ahaayeen reer PL (SSDF). Talaabadii aynu maalintaas qaadnay, waxa ay kaliftay in Soomaali oo dhan heeryada iska qaado oo ay is difaacdo, ilaa la iska saaray xukunkii Keligii Taliska.

Waxa inooga soo noqday:

Isir tirtirkii ugu balaarnaa bulsho Soomaaliyeed lagu tirtiro waxa ay ku dhacday dadka reer PL. Colaadii uu kacaanku inoo qabay, waxa aynu ku waynay dhowr iyo toban Sargaal oo indho u ahaa reer PL. SSDF, waxaa inooga geeriyooday ku dhawaad 10 kun oo dhalinyaro ah, oo badankood ayna farcamin. Dawladii kacaanku waxa ay dishay Tobanaan kun oo shacab waynaha reer PL ah, iyaga oo sumeeyay baraagahoodi, qaarkood bireeyay, dumarka kufsaday, caruurtana af duubtay.

Xasuuqa ka sokow, 21 sano ee ay talinaysay dawladda kacaanku, waxaa la go’doomiyay dhulka hadda loo yaqaano PL. Waxaa laga jartay dhamaan adeegyadii dawladda iyo kaabayaashii dhaqaalaha. Halka ay Waqooyi iyo Koonfur helayeen dekedaha, ayraboorada, cusbitaalada, warshadaha, xarumaha caafimaadka, iyo adeegyada kale ee dawliga ah, PL waa ay ka caaganayd, waxaana loo yaqaanay GAARI WAA.

Markii uu burburku dhacay 1991, waxaa la boobay hantidii ay dadka reee PL ku lahaayeen Koonfur iyo Waqooyi, iyaga oo loo beegsanayo oo lagu xasuuqayo hab beeleysan oo isir sifayn ah, ilaa ugu dambayntii naftooda keliya lasoo baxsadeen.

3) Aasaaskii Federaalka iyo dib u dhiska dawladdii Soomaaliyeed.

Waxa aynu qabanay:

Markii ay Soomaliland ku dhawaaqday gooni isu taag, Koonfurtuna ay noqotay meel mugdi badani ka jiro oo dhiiggu iska qubanayo, reer PL waxa ay miiska keeneen xal labo Shimbirood hal dhagax lagu dilayo. Waxa ay aasaastay nidaam Federaal ah oo Somaliland loogu ekeysiinayo State Federaalka kamid ah, Xamarna waxa ay ku galeen si xoog ah oo Villa Somalia ayay mar labaad Calanka Soomaaliyeed ka taageen. Waxa ay hureen naftii, maalkii, iyo caqligii ay haysatay Puntland-ta markaas curdinka ahayd.

Waxa inooga soo noqday:

Qarixii ugu horreeyay ee is miidaamin ah oo qof lagu qarxiyo waxaa loo dhigay madaxwayne C. Lahi Yusuf, waxaa halkaas ku geeriyooday walaalkiis iyo dad kale oo reer PL ah.

Isaga oo aan dhamaysan mudo xileedkiisa ayaa dagaal adag lagu qaaday, ilaa uu ugu dambayntii is casilay.

4) Ka bixitaankii dawladii ku meel gaarka ahayd.

Waxa aynu qabanay:

Xukuumad Federaal ah oo ay hogaaminayaan reer PL, ayaa ka shaqaysay geeddi socodka uu dalku uga bixi lahaa hanaanka ku meel gaarka ah, uguna gudbi lahaa hanaan Federaal oo dhamaystiran, madax banaan, dunidana la jaanqaada. Waxaa gogosha fidiyay isla xukuumadii PL ka jirtay oo uu hogaaminayay Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole, waxaana dalka hanaanka Ku meel gaarka ah looga saaray shirarkii Garoowe 1, Garoowe 2, iyo Gaalkacyo. Puntland, waxay xilligaa marti gelisay oo gogol wada hadal u fidisay Soomaali oo dhan, iyo Caalamka oo daneenayay siyaasadda Soomaaliaya. Waxay ku bixisay dhaqaale iyo juhdi badan si dalku uga baxo ku meel gaarka. Waxa aynu ka qayb qaadanay dhismaha maamul goboleedyo badan oo ay kamid tahay Jubaland, iyada oo aynu uga dan lahayn in la helo federaal xooggan oo maamul goboleedyo is dheeli tira ay hoos imaadaan.

Waxa inooga soo noqday:

Ku meel gaarkii kadib, madaxwayne kasta oo Federaal ah oo imaada waxa uu isku dayayay in uu laalo dhamaan hanaankii Federaalka ee dastuurku qorayay. Qaarkood waxa ay si bareer ah faro gelin ugu hayeen arimaha gudaha ee maamul goboleedyada, taas oo lid ku ah dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS. Waxa ay isku dayayeen in dhamaan awoodaha, dhaqaalaha, ciidamada, iyo go’aanadaba ay noqdaan kuwo ku kooban DFS, taas oo si toos ah uga soo horjeeda dastuurka DFS iyo midka PL intaba. Mar kasta oo ay PL ka doodo oo ay sheegto in waxaani ayna ahayn wixii lagu heshiiyay oo sharciguna ogolayn, waxaa lala galayay dagaal aan lala gaban, iyada oo si toos ah looga hakinayay mashaariicda horumarinta, iyo wax kasta oo uga xirnaa DFS, laguna shaabadaynayay in ay carqalad ku yihiin dawladnimada iyo horay u socodka Soomaaliyeed.

Haddaba, Taariikhdaan oo dhami waxa ay ina tusaysaa in mar walba PL ay tahay cida wax faa’iidaynaysa, se iyadu ay khasaaro uun qabtay.

Haddii aan joogtada ka hadlo, PL dhulkeeda oo dhami waa amaan. Qar-ka-qar, waxa ay si buuxda ugu filan tahay amnigeeda. Argagixiso ma joogto, isbaaro ma taalo, ajaaniib iyo dawlado shisheeyana kuma dhex noola. Maxay tahay sababta ay u hormari la’dahay? Maxay uga faa’iidaysan la’dahay khayraadkeeda? Maxay dunida ula macaamili la’dahay?

Su’aalahaan oo dhami hal jawaab ayay yeelanayaan, waana DAWLADDA DHEXE EE FEDERAALKA SOOMAALIYA.

n kasta oo ay jiraan khalad gudahayga ka jira, dib u dhac aan innagu gacmahayga ku samayno, colaado aan innagu iskayaga u hurino, iyo musuq aan innagu sabab u nahay, haddana horumar la’aanta ka jirta PL kaalin yar ayay ku leedahay. Kaalinta ugu wayn ee horay u socod la’aanta PL 25 sano oo dawladnimo ah kadib, waxa ay salka ku haysaa ka mid ahaanshaheena Nidaam dowli ah oo Soomaaliyeed.

Waxa aynu u lugo xiran nahay Koonfurta dalka oo argagixiso haysato, amnigooda aan ku filnayn oo ajaaniib u joogto, dhulka dawladdu ay ka arimiso uu xadidan yahay, iyo dhanka kale ee gobolada Waqooyi, kuwaas oo gooni u goostay 30 sano kahor, aan ogolayn wada hadal iyo isu soo dhawaansho, xambaarsan ciriqa xasuuq ayna keli ku ahayn oo Soomaali oo dhan wada taabtay. Waxa aynu u xaniban nahay koonfur oo rabta dal Jamhuuri ah oo awoodaha oo dhan Muqdisho hoos tagaan, iyo Waqooyi oo gooni goosad doonaysa.

Khayraadkayaga waxa uu dhulka ugu raagay in aan kamid nahay Soomaaliya argagixiso haysato, halka dhulkayagu uu amni yahay. Maalgashiga caalamiga ahi waxa uu inooga xaniban yahay Soomaaliya oo ayna ka jirin xasilooni siyaasadeed, halka dhulkayagu yahay mid siyaasad ahaan xasiloon, xukunkuna si qori isu dhiib ah loola kala wareego. Dayntii aynu qaadan lahayn Waxa ay inooga xaniban tahay in la inagu leeyahay dayn aynaan waxba ka cunin. Ayrabooradayada, dekedahayaga, wadooyinkayaga, markii laga reebo deeqaha caalamka oo 30% ka yar oo aynu ku tiirsan nahay, 70% PL iyadaa dhisatay. Daymaha suuqa caalamka inaga xiray badankood waxa ay ku baxeen tababarada ciidamada, halka PL ay iyadu ciidamadeeda tababarto. Waxa ay ku baxeen sugidda amniga iyo qarashaadka AMISOM, halka PL ay amnigeeda ciidamadeedu sugaan, kuwaas oo isla canshuurta reer PL ka mushaar qaata. Waxa ay salka ku hayaan dhismaha xarumo dawli ah oo Xamar ka dhisan, iyo kuwii Hargeisa ay ka dhiseen Dawladihii ka horeeyay 1991, halka PL xarumaheeda ay iyadu dhisatay.

Si guud PL Soomaaliyada Koonfureed iyo mida Waqooyi ayay u xaniban tahay.

Aragtidayda ahaan, Shalay, iyo Maantaba waa aynu ku khasaarnay kamid ahaanshaha nidaamkaan dawladda dhexe ee Soomaaliyeed, berrina waxba is badali mayaan.

Intaani waa marka aan u fakaro qaab danaysi ah oo aan wax walba ku qiimaynayo okiyaalahayga Puntlander-nimo. Markii aan isaga iska siibo, oo aan xirto Okiyaalahayga Soomaalinimo, weli waxaa iisoo baxaysan in Soomaali oo dhami ay isku xanniban tahay, weligoodna ayna hal maamul samaysan karayn, iyadana hoos ayaan ku cadaynayaa.

Arintaan waxaan u cuskanayaa taariikhda iyo hab dhismeedkayaga bulsho. Dadka Soomaaliyeed waligoodba 3 heshiis ayay ku ahaayeen, 3-na kuma ay heshiin.

Soomaali waligood 3 heshiis ayay ku ahaayeen:

B) DIIN

Soomaali inta taariikhda la hayo waligood diimo kala duwan ma haysan. Islaamka ka hor hal diin ayay haysteen oo waxa ay caabudayeen ilaah Samaawi ah oo ay u yaqaaneen magaca WAAQ, waxaana taas cadayn u ah in la helayo magaalooyin 5-ta Soomaaliyeed ku kala yaal oo ereyga Waaq ku jiro, iyo Af-Soomaaliga oo uu ka buuxo magacaas. Markii ay diinta Islaamku imaatayna waxa ay si wada jir ah u qaateen diintaas meel kasta oo ay degenaayeeynba.

T) DHAQAN

Soomaali waligood makala dhaqan duwanaan, waa isku Hiddo iyo dhaqan. Isku si ayay u noolyohiin, dhinac walba oo bulsho dhaqankeed laga cabirana isku mid ayay ka ahaayeen, hadeerna ka yihiin.

J) LUUQAD

Soomaali waligood makala luuqad duwanaan. Ma jirto taariikhda meel lagu sheegay Soomaali luuqado kala duwan ku hadlaysa, si kasta oo dad kale banaanka uga imaadeen oo ay ugu dhex milmeenna, luuqadooda waxay noqotay mid waarta. Soomaali waligood heshiis ayay ku ahaayeen diinta, dhaqanka iyo, luuqadda.

Soomaali waligood 3 kuma heshiin:

B) XUKUN

Soomaali waligood xukunka kuma heshiin, oo si walba oo taariikhda loo raaco, xilligii saldanadaha iyo boqortooyada, xilligii isimada iyo kaabe qabiilada, xilligii urur diimeedyaxa iyo xarakaadka islaamiga ah, iyo xilliga dawladnimada casriga ahba, Soomaali mar walba xukunku waa u kala soocnaa, qolo kastaan si gaar ah ayay isku maamuli jirtay.

T) DHUL

Soomaali waligeed dhul kuma ay heshiin, waana uu u kala cabirnaa. Dagaalada taariikheed ee Soomaali dhex maray waxa uu badankiis salka ku hayay labo qolo oo dhul daaqsimeed isku haysta, reer walbana dhul ayaa u cabirnaa.

J) XOOLO

Soomaali waligood Xoolo kuma heshiin, oo xoolo dhaqatadu xoolaha waa kala dhacayeen, welina Soomaali xoolo ku heshiis ah waa dhif iyo naadir in la arko.

Haddaba, Soomaalidu maadaama ay wadaagi karto diinta, dhaqanka, iyo luuqadda, balse ayna wadaagi karin xukunka, dhulka, iyo xoolaha, hab dhismeedka bulshadayaduna u samaysan yahay qaabka noocaas ah, soo ma wacna in aynu hab dhiismeedkayaga dawladnimada casriga ah aan sidaas ku salayno?

Halkaan weeye halka aan kusoo bandhigayo fikirka ah in la qaato nidaamka “Confederation”

Tani waxay fududaynaysaa in bulsho horumar rabta ayna u xanibnaan bulsho kale oo aan baraarugsanayn, waxaa ka imaanaysa qanaacad iyo nafis, waxaa bilaabmaya tartan caafimaad qaba oo ay Soomaali iskula tartamaan.

In aynu dhisano maamul Confederation ah waa xalka kaliya ee Soomaali ku hor mari karto, hadii aan xilka ku guulaystana, waxa aan dadaal kasta ku bixinayaa sidii ay aragtidaydaasi u meel mari lahayd.

WBT. Mahadsanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *