Degmada Gaalkacyo iyo dadkeedu waxa ay muddo la daalaa-dhacayeen colaado beelaysan oo kala dhexeeyay beelaha dariska ah; iyo dhanka kale oo argagixisadu ay ku bartilmaameedsan jireen haldoorkooda. Colaadahaasi waxa ay la hareen reer Gaalkacyo, iyaga oo ka reebay tartankii ay kula jireen degmooyinka kale iyo dadka dhiggooda ah. Waxa ay colaadahaasi bulshada iyo deegaankaba u curyaamiyeen dhaqaale ahaan, dad ahaan, aqoon ahaan, iyo dhinac kasta oo ay ka kobci lahaayeen.
Waxa ay bulshadu ahayd kuwo uu mugdi ku hareeraysan yahay, kuwo rajo dhigay, kuwo dhallinyaradoodu aysan fursad helin, kuwo ganacsatadooda marna la ugaarsado marna la baado, kuwo haldoorkoodu degmada isaga cararo markii ay fursad iyo amniba ka waayeen, kuwo aan xasuusnayn tagtada, cabsi ka qaba taaganta, wax rejo ahna aan ka qabin timaaddada.
Dad kooban oo geesiyiin ah, iyo dawlad garab taagan ayaa u kacay arrinkaas. Dad kooban ayaa diiday gunnimada, gobonnimadana af iyo addin ku raadiyay.
Ugu dambayn reer Gaalkacyo waa ay guulaysteen. Waxa ay guul ka gaareen colaadihii beelaha dariskooda ah, iyo ugaarsigii argagixisada. Waxa ay u soo noqdeen gobonnimadii ay asalka iyo faraca u lahaayeen. Isku duubnida dadka reer Gaalkacyo, iyo muddadii yarayd ee ay amniga haysteen, waxa ay si togan u saameysay dhammaan dhulka Puntland, dhulka Soomaaliyeed, iyo Bariga Afrika oo dhan.
Kartida, aqoonta, iyo isku duubnida reer Gaalkacyo, waxa ay abuurtay mucjisadii ugu waynayd ee Afrika ka dhacda, iyada oo bulsho isku tagtay ay aasaastay dekad ka mug iyo meeqaam wayn dekedaha dalalka dunida 1aad.
Dadka degmada Gaalkacyo, waxa ay heleen magacii iyo meeqaamkii ay xaqa u lahaayeen; balse waayahaan danbe waxaad mooddaa in ay dib ugu noqonayaan halkii laga yimid intii horey loo socon lahaa.
Muddooyinkii u dambeeyay degmada Gaalkacyo iyo deegaanada ku hareeraysan, waxaa ka socda dilal sokeeye oo ku salaysan dhaqammo jaahili ah. Waxaa jira ugaarsi iyo aano qabiil oo beelo walaalo ah ay isku geysanayaan. Waxaa ka socda dilal aan xurmaynayn deegaannimo, ehelnimo, iyo muslimnimo toona. Dilka iyo dhiigga Gaalkacyo ku dhex qubanaya, gacanta gaysanaysa kama imaan bannaanka, ee waxa ay ka timid gudaha. Beelo walaalo ah, isku dhiig iyo isku dheecaan ah, ayaa isku dilaya waxyaabo aan micno sii ridan lahayn, iyo feker gurracan. Dadkii ka adkaaday cadowgooda, ayaa maanta iska adkaan la’, isqabsan la’, heshiin la’.
Haddaba, sidee ayaan anigu aafada AANADA u xalin lahaa hadii aan ku guulaysto kursiga Xildhibaanimo?
1) Baarista iyo u kuur gelidda halka ay salka ku hayaan dilalkaan, iyo sababta looga heshiin la’yahay.
Gaalkacyo, Gobolka Mudug, iyo dhammaan deegaanada Soomaaliyeed, dhaqanka Aanada iyo aarsigu wuxuu ahaa aafo soo jireen ah oo dadkaani ku dhaqmayeen qarniyo. Maaha wax cusub oo aynu maanta ku naxayno, balse aanada Gaalkacyo iyo dilalka ka socdaa waa ay ka qaab duwan yihiin sidii ay Soomaalidu isaga aarsan jirtay! Qabiilka wax laga dilay ee raba in uu aarsado, waxa uu samaynayaa daraasad ku salaysan 3 qodob.
B) Reerkaan yaa weeye cida ugu qiimaha badan ee laga dili karo?
T) Markii la helo xogta dadka ugu qaalisan ee reerkaas ku jira, ayaa loo kala haadinayaa qaab ku salaysan da’da. Qofka wayn ma ay doonayaan, oo qofkaasi reerkaas inta uu sii anfici karo waa kooban tahay. Maya! Ma rabaan qofka wayn, ee waxa ay doonayaan qofka mustaqbal dheer leh ee reerkaas indho u noqon kara 30-ka ilaa 40-ka sano ee soo socda, kadibna isaga ayaa la dooranayaa.
J) Markii la doorto shakhsigii la dili lahaa, looma dilayo qaabkii ku dhufo oo ka dhaqaaqda ahaa ee Soomaalidu horay u taqaanay. Taas badalkeeda, dadkaas raba in ay aarsadaan waxa ay daraaseenayaan nolosha qofka oo dhan. Halka uu ka shaqeeyo, meelaha uu fariisto, wadooyinka uu maro, xilliga uu cidlada yahay, iwm. Daraasad dheer kadibna waxaa lala beegsanayaa mar uu dayacan yahay oo uuna feejignayn, dabadeedna waxaa lagu hor dilayaa meel fagaare ah iyada oo bulshada oo dhami arkayso, si loo helo daawadayaal ka sheekeeya dhacdadaan.
Markii aad si qoto dheer u fiirisid taaktikooyinkaan aanada Gaalkacyo ku salaysan tahay, waxaa si toos ah uga dhex arkaysaa qaabkii ay argagixisadii Al Shabaab ee laga adkaaday u gumaadi jirtay haldoorka Gobolka iyo degmada. Naqshaddu waa naqshadii, falsafadduna waa falsafaddii.
Waxa ugu horreeya ee aan baari lahaa waa in ay aanadaani tahay qaab cusub oo ay argagixisadu beelaha isugu adeegsanayso iyaga oo shaati qabiil qaba markaan, iyo in si kale wax u jiraan. Baaristaasi waxa ay igu hagi lahayd sida aan u waajihi lahaa ee aan u xalin lahaa mushkiladaan.
2) Dhexdhexaadnimo iyo Cadaalad.
Cid kasta oo xaaladaan isku dayda in ay xaliso, oo ay si uun u dhexdhexaadiso beelaha dekanadu ka dhaxayso, waxa ay isku hayb noqdaan beel ka mid ah beelaha is haysta, taas ayaana kalifta beesha uu ka haybta duwan yahay qofka wax xalinaya ay ku kalsoonaan waydo oo ay ku qanci waydo xalka. Wadada keliya ee xaaladaan loo xalin karo waa in aan kaxaysto Xildhibaanada kale ee Gobolka Mudug kasoo baxay ee kala haybta duwan, si beel walba ay xaliyayaasha uga dhex aragto qof la hayb ah oo ku abtirsada. Arintaani waxa ay abuuraysaa dhexdhexaadnimo iyo cadaalad.
Sidoo kale, waxaan hoos ugu dhaadhici lahaa qoyska hoose ee dadka wax dilay ama wax laga dilay, waxa aan si toos ah ula xiriiri lahaa walaalka, aabaha, hooyada, ina adeerka, isla markaasna aan iyaga ka waraysan lahaa xalka ugu fiican ee ay ku qanci karaan. In badan waxaa soo noqnoqday in nabadoon ama isin uu mag ka qaato/bixiyo qof la dilay/wax dilay isaga oo aan qoyska uu qofku ka dhashay ayna raali ku ahayn, taasina waa mida keenta in qoyskaasi ay ku aarsadaan hanaanka aanada.
3) Dawladnimo iyo Sharci.
Markii aad mushkilo xalinaysid, waxaa jira bulsho u nool in ay wax xumayso oo ka shaqaysata xumaanta iyo dhibka, sidaas awgeed, awooda dawladeed ee laamaha amaanka, maxkamadaha, iyo xasaanadayda xildhibaannimo waxa aan isaga difaaci lahaa oo aan gacan bir ah ku qaban lahaa qolada shar wadayaasha ah ee aan doonayn Gaalkacyo iyo Mudug deggan, nabad ah, dadkeeduna isku calool fayow yihiin.
4) Dhaqan iyo Gogol ka baxsan gobolka.
Beelaha Gobolka Mudug maaha dad Madi ah, waxa ay leeyihiin beelo ay wadaagaan haybta iyo isirka oo walaalahood ah. Hadii ay igu adkaato in aan xalka ka dhaliyo gudaha oo aan umaddayda isku keeno, waxa aan hiil u doonan lahaa isimada dhaqanka Nugaal ee uu hogaaminayo Islaan Ciise, Isimada Bari ee uu hogaaminayo Boqor Burhaan, Garaadada SSC ee uu hogaaminayo Garaad Jaamac, iyo isimada Sanaag ee u hogaaminayo Suldaan Siciid. Waxa aan xasuusin lahaa in reer Mudug ay mar walba safka hore ugu jiraan hiilka Harti iyo dhammaan beelaha Daarood oo dhan, maantana aan u baahnahay in ay iyaga ila xaliyaan mushkilad isla reer Mudug u dhaxaysa. Waxa aan fidin lahaa gogol Harti wayne, waayo, walaalkaa hadaad adigu qaban waydid, ina adeerkaa ayaa qabanaya.
Intaani waa sidii aan u xalin lahaa aanada Gobolka Mudug, waana aan ku kalsoonahay 100% in hadii la raaco wadooyinkaan uu gobolkaani helayo xal waara.
WBT. Mahadsanidiin.